Deeleey - Maxamed Xaashi Dhamac Gaarriye

 

 

 

Deelleydu Waa Kow 

 

 

 
Dig dheŽ deelka maansada        Tixa dur iyo daabaca

Isku duubni wadareed                  Ha ka dido shanfuuqluhu

Arin waa la digo rogay                Doonyihii la raran jiray

Markabaa ka daba yimid                Cirka haada duushaa

Ka duuduubte samadii                  waxa helay dayuurado

              Deja baalashii yidhi


 
Daacuunkii firidhkiyo                 Daaniyihii dhaqaalaha

Rag durraa ku soo baxay               Kuwa daabka fidiyiyo

Dablayaasha dhimanow                  Digtoonaada waa i kane

Afartaa docdaa mari             Darsigeedu waa meel


 
Taariikhda duuga leh                  Waxan ugu hor daabacay

Xil damiirku qaadiyo                  Waa faral dushayda ah

Qalinkiyo dawaadaa              Inaan fuliyo ii diray

Waxan uga dan leeyahay                Nin qabyaalad doojow

Doqoniimo waa cudur             Haddii aad dux leedahay

              Bal docdaada uun eeg


 
Inta dumar agooma ah                  Inta darin nin lagu cunay

Inta duul ku qaraf jabay        Dabac yaa lahaayeey

Maxaa degel ku baaba'ay               Maxaa dhacay umulo-doox

Anigaa nin dooriyo              Anigaa wax dumin kara

              Maxaa beel ku dubuq tidhi


 
Imisaa dugaag qaday             Dubaaxdiina loo wadhay

Darka iyo xareediyo             Daaq laysu qoonsaday

Dirirtiyo colaaduhu             Maxay haad dibiriyeen

Islaan wiilkii laga dilay       Dugayeey maxay tidhi

Dadab iyo aroos iyo             Aqal laba daryaale ah

              Maxaa daaha loo rogay


 
Waxan uga dan leeyahay                Sumad iyo dirsoociyo

Qofka duuf ku noolow                  Alla doori baad tahay

Soomaali waa duud               Dankadhabe ha joogee

Waa ul iyo diirkeed             Daris iyo tol wada yaal

Nin dan-laana kala gura               Qabiilkii doraad yiil

Isticmaarkii baa dumay                Shalay dabo ka naaxiyo

              Dibitaati baa waday


 
Maantana dillaaliyo             Dibirbaa ku xoogsada

Waa dabin qarsoodiya                  Umaday ku dagayaan

Boobkay ku dadayaan             Qoloqoladan loo dagay


Kama
 dhalan dadwaynaha                Raga dacarta huriyaa

Waa kooxo duumo ah              Daadihiyaashiyo

Maamulkay ku duubanyiin               Qaarbaa diktooro ah

              Digriigoodu madhanyay


 
Qaarbaa durbaano leh                  Oo daacadii jaray

Darna waa hagoogtaan                  Waa daniyo waaweyn             

Isku soo dabaaloo               Waa dabaqad maal jecel

Waxa loo digleeyahay                  Dhididkayga dahabka ah

Sidii loo dudubinlaa                  Afartaa docdaa mari

              DUGSI MA LEH QABYAALADI


 
Waa dararta baahida             Waa astaanta dib u dhaca

Waa boog dalooshoo              Dadka maanka kaga taal

Dirxi qudhun ku nooliyo               Waxa fadha nin daalina

Damqa oo ku joogsada                  Balse diradiraalow

Dabka yaad u sidataa                  Yaad daafacaysaa


 
Hadii uunku kala dido                 Yaa dulinka kaa layn

Dibjir iyo nin xoolo leh        Danbilaawe iyo tuug

Docdoc weeyi shicibkuye               Yaad daawo leediin

Waxan uga danleeyay             Haddad duulimaad tahay

Rido waa u meel dayo

              Doxoryow abtiriyaa


 
Armaad dogobka qiiqale                Darintaad ku hurudiyo

Dushaaduun ku hurisaa                 Afartaa docdaa mari

Tixdu way dagaal timi                 Waa daabad aan biqin

Ami baa u diirad ah             Durba gumicii koobaad

Waxay daartay nabarkiyo               Waxa doobta ugu wacan

Dawadiise may gelin             Kuwa ararta daajiyo

Ragbaan ula danleeyay                          DEELEYDU waa kow

 

DEELAY 2

 

Dood wali tixraaceed
Daad waliba taagtii
Duddo wali yagleelkeed
Sabo waliba daaqeed
Damiir wali canaantii
Dawan waliba yeedhii
Dacar wali hulaaqeed
Deelleydu waa shaxe
ninba waa godkuu dego


Dig dheh Faraski Doolaal
Mar labaad ha dananee
majaraha u sii daa
Hadraawoow ku soo durug
Malmal iyo dabqaad keen
Ila didi abeesyada


Dib-ka-naaxa laba kacay
Iyo diradiraaluhu
Yuu innoo dardaar werin
Dumbuqeenna shiishka leh
Duwi mayno weligeen
dad hadduu is toydona
danyarbaa sokeeya leh
Dugsigeennu wayaga
Ifkaan daaray waakaa
Dalka iyo Jaboutiba
ragga iga danbeeyaa
Kolba dogob ha saaree
Colka wadhaf ma lagu deyey


Deji oo rogaal celi
Dulmar weeye ee garo
Kadantii duqeedii
lagu yidhi ragbaa dilay
Ee aan Ma-Diiddada
Garan duurxulkeedee
Dhaqso loo dumaalee
Dadabtiyo arooskii
ayadoo dabbaal dega
Ninkay duugtey soo galay
Ma inay is dooxdoo
Shaamareer dayowdaa
waxan uga dan lee yahay
Cirka Danab ka soo dhacay
dabka fiday kamuu iman
Digaa hoos ka noolayd
Degdeg iyo hubsiinona
mid kastaaba duuggeed


Afartaa dheh deelleey
Deji oo rogaal celi
gabbal dumay habeennimo
Dayaxiyo Cadceeddii
Inuu damiyey moodee
carshigeedi degayee
isagoon digniin qabin
Kolkii waagu daalacay
Casilaadda loo diray
Ma inuu dudaayoo
hadba doc isu qaadaa
Belo waa danbaysaa
Durba fadalku waa maxay


Nin Muraayad daawaday
Foolxumo is diidsiin
kuma doorin karayee
Ma inuu dillaacaa
Duxda hadalku meel lehe
Dusha boogta laga dhayo
aan mililka loo degin
Dawadeeda lama helo
Darbbaddii qabiilkiyo
Hadduu doogtey nabarkii
Gacantii wax duugtaay
Dufan baad u baahnayd


Afartaa dheh Deelleey
Deji oo rogaal celi


maska xuub-dillaacsaday
Dabarkiyo Mareegtii
Dar Ilaahay uma furin
Goortuu Ris daaqee
Dildiluu maqaarkiyo
???
Ka dallacay hugiisii
Waa duluc ujeeddo leh
war jiraa dareenkii
danyareey wax garadkaa
Intaa tahay darkaa madhan
Ee layska dawdabo
darxumada ku nooloow
Anna aan dagaallamo


Afartaa dheh deelley
Deji oo rogaal celi


Xididdada dawaafka ah
ee hoos u daadegey
dhulka uma dalxiis tegin
Dantoodaa fogeysoo
diga-rogashadoodii
Didibkay qasbeenee
Dardar iyo awoodbay
GebiyadaKu dumiyeen
Buuraha ku didiyeen?
Waa duluc ujeeddo leh


Daganeey Qabiilkiyo
Kala Firidhku deyr iyo
Derbi adag hadduu yahay
kuu diidey socodkii
Intaad duluglahaa tahay
dabatada ku nooloow
Waa daabac kugu yaal
Ha la daayo iyo Hees
Duco iyo habaar iyo
Amar Dawlo kuma baxo


Diburaac tusaalaha
Inta ciiddu dihintahay
dhaqaaluhu daleel yaal
dadna kala sed roon yahay
weligaaba duudduub
Dusha ubax ka saarsaar
dakhar waa halkiisii

 

 

HAYAAN


 

 

 
Hayaanku ma meel fog baa        Hillaacu ma beegso baa

Habeenkii socod miyaa                 Hadhkii ma ha seexan baa

Waqtigu ma haloosi baa                Ninkii hakadaa boqoolka

Habaaska miyuu dhaxlaa?               Quruumaha hore u guuray

Barwaaqada haybsanaaya                Intaad hiigsan layd gadaasha

Hareerta ka raac miyaa?               Hadduu maalku kaa harraado

Harooyinka gee miyaa?                 Hurdada ku dan seeg miyaa?


 
Adduunyadu waa hadhkaas               Hirba hir buu daba socdaaye

Hankaaga fogee miyaa?                 Hawshaada ku toos miyaa?

"Hubsiino halbaa la siistaa"          Halkii daran baahidaada

Hantida u qorshee miyaa?        Dantaadu ma haybi baa

Aqoontuna hodon miyaa                 Iftiin iyo hibo ku ladhan oo

              Indhoolaha haga miyaa?


 
Waxaa cirka lagu hujuumay       Waxsaa dhulka lagu hubsaday

Waxaa badahaa hugmaaya                Bidhaansha guntooda hoose

Waxaa uumiyaha hanuunshay       WAxaa cudurkii halgaaday

Waxaa jahligii haleelay               Waxaa gaajadii hirdiyey

              Horseed cilmiyeed miyaa?


 
Dadkaa heegada is geeyey        Dadkaa haqab-beelka gaadhay

Hub-qaad haga dayo miyaa?       Ninkaa buurta roobku helay

Gunteeda ka heesayow                         Figteedaa nolol habboon

 

 

 

 

Waxa soo diyaariyey iskuna soo duba riday Mukhtar Axmed Sh. Adan - Taysa