Tanaad  - Maxamed Xaashi Dhamac Gaarriye

 

 

 

 

Maanso Tanaad     

 

 

 

 

 Caalinow ta iyo wow

Bal tix raac hal kaan maro

Tukayaasha duulaa

Warka way isku tabaiyaan

Waa aftahan qudhaan jadu

Geeluna tawaawaca

ur ta way Isku tohoydaa

Kolka biyaha loo tubo

Way is tibaaxi yaqaanaa

Taaha adhigu waahadal

Urta way isku tohoydaa

Tigaad dan aad arkaysaa

Kaftan ay taqaan bay

Hoos ka tuur u leedahay

Dhulku wuu tiraabaa

Tiska roobka dayruhu

Onkud buu ku tamaa

Taar buu abuurkuna

Toos ugu xidhiidha

Waxay hoga  tusaysaa

Afku nolosha waa u tiir

La aan tiis tuuriyo

Tulux laga ma waayeen

Tayo may lahaa teen

Dhaqan lama talaaleen

Cidla lagama tookhee

Far baa lagu tanaadaa

Hadii qalinka loo tudho

Wax qoraalka laga tago

Waab iyo tiniix iyo

Bal tin caaaro waydii

Taariikh da raad cee

Afkaygow tabaaliyo

Maxaad taws ku nooleyd

Maxaad balo u taagneed

Shishee yuhu tab iyo xeel

Muxuu kugu tuntuusdaday

Tisqaad kaaga dhawacay

Qoraalkaa ga tuhun iyo

Muxuu dhigay turxaan oo

Colba doc iska taalay

Maxaa taar jmid soo diray

midkaleeto tuurow

Laba tulud wadaag taa

Turjubaan u baahdeen

Maxaan gabay tilmaan naa

Maah maah yo tolmoon

Maal muhu tireenoo

Qalbigaygu tabayaa

Sida ay utaxan tahay

Murtidaadu tabanaa

Teel teeli badanaa

Maax maanso teeriya

Tacab ba, ay ka joogaa

Maxaa eraytifiir go,ay

Maxaa sheeka taabuda

Towraadi faalayn

Wali nabina soo tabin

Kaa tasoobay oolumay

Alaylehe tabtaan rabay

Hadaa lagu tix galiyoo

Toos tii wadeecada

Caawaba ka talatee

Murtidaadu waa toge

Taageer hida ha oo

Sayid kii kutoosoo

Soo toosi haabiil

Raage taranta gaadhsii

U tirow balaayacas

Ku tukibi higaadoo

Sodon tirade gaadh sii

Tonban shaqal ku geeraar

Shii banaha ku taa kuli

Gudigii ku tiirshe

Kugu taxay xuruufaha

Mahad iyo tahniyad sii

Taladay mutaysteen

Ka dul tag odhaah yada  

 

 

Waxa soo diyaariyey iskuna soo duba riday Mukhtar Axmed Sh. Adan - Taysa