SAXANSAXO
Gabaygan waxa la yidhaahdaa SAXANSAXO wuxuu abwaanku tiriyey 1987. markaas oo uu joogey shir ay lahaayeen ururkii xornimo u dirirka ahaa ee ee SSDF. Shirkaas oo ka dhacayey magaalada Herer ee waddanka Ethiopia. Wuxuu abwaanku ku guubaabinaayey jahbadaha inay midoobaan oo waddanka ka gaadhaan daaquudkii qabsaday, wuxuuna ka sheekeenayey xaaladda adag ee waddanku ku jirey. Isagoo waxbixin (report) ka siinayo dadkii sida loo galayo iyo waddanka xukunkiisu halkuu maray. Wuxuuna yidhi:
Gabaygan waxa la yidhaahdaa SAXANSAXO wuxuu abwaanku tiriyey 1987. markaas oo uu joogey shir ay lahaayeen ururkii xornimo u dirirka ahaa ee SNM iyo ururkii kale ee SSDF. Shirkaas oo ka dhacayey magaalada Herer ee waddanka Ethiopia. Wuxuu abwaanku ku guubaabinaayey jahbadaha inay midoobaan oo waddanka ka gaadhaan daaquudkii qabsaday, wuxuuna ka sheekeenayey xaaladda adag ee waddanku ku jirey. Isagoo waxbixin (report) ka siinayo dadkii sida loo galayo iyo waddanka xukunkiisu halkuu maray. Wuxuuna yidhi:
Indhaweydba suugaanti gabay maan siyaakhadine
Ma salgoynin bayluulidaan siinadeyn jiraye
Saxansaxo kamaan tolin tixdiyo heesta saraxqaade
Intaan suursanaa baa inaan seexday lay filaye
Safkii …….. maagan yahay nin i saluugaaye
Shamacyadii siraadnaa ayaan siinleydii ahaye
Soke shiishka loo dhigo ayaan saro u qaadaaye
Suud iyo waqooyaan ahiyo qaranka soomaaleWaxa lagu saleeyaaa murtida socodka waayaaye
Waxba kuma leh sansaan wanaag duciyo saadaale
Haddaan danab sanqadhin Gaariyaan soohin maansada’e
Ma sinnaynin weligey anigaan bixin seyruuqe
Mar haddaan siqado waa inay siigo ligantaayeTabta sayr ma weydada ayaa lay sed tiriyaaye
Sibiq ereygu iigama baxee waan u sahan shaaye
Kolkaan meel u sii saarayaan saberka taabtaaye
Sohda waxaan abaaraa kolkaan saaka bixiyaaye
Kolkaan saafi karayaan naxwaha sara idhaahdaaye
Sabool baa dilee luuqda waan ibo salaaxaayeSaakana Hadraawow murtidu saayiraad ma leh
Haya cala salaax iyo hadeer ereyba waa saace
Sodonkiinan iyo maamulkaan suul ku godayaaye
Sabac…………. Dudumo suulashaa baxaye
Soli mayso waanadu raggaan uba samaysnayne
………………………………………………….
Nimaan guul ka sugayaa ma jiro Ina Sanweynawe
Dadku salama heediyo saac ma biyaane--------------------------------------
-----------------------------------
_-------------------------------------Inta hebelba Ina Saalaxow hebel sadhaynaayo
Een laga sal gaadhayn marqudha, doodu waa selellec
Ana samihii aan wedey badh baw qaatay sado doone
Badhna inaan suntaba qaybiyey ii sulkhinayaane
Siddaan laysu baran bay u tahay Suudiyow marage
Anigoon sedkaygii aan weli kana salguuraynin
Lama qabo suuldaarada ninnaba s--------------Afartaas sedkii Aadan Shiikh, sahaydii Koosaar dheh
Waa iga salaan Awrayaal aan ku soo simaye
Intaan suursanaabaa inaan seexday lay filaye
Cirka dhiillo saareenku waa sahansahaygiiye
Goortaan sarkaadhiyey waataa seleshey fiintiiye
Afarkale waxaan uga socdaa wayga saxanqaadeBoqol sano ka badan bay maqnayd sidigta Maandeeqe
Hadba gobol ha saareen inuu gaawahaw sida’e
Subax keliya igamay qaldamin sidig gooleeye
Intii sacab ku maashoo dhan baan sax u aqaanaayeCidna kuma samayn tuu ku falay Saalaxaw hebele
Ifka seeji aakhirona wuu sahayday qaarkoode
Wax badan buu dabsaar inuu ka dhigo suufshey falawgeede
Goortuu sokeeyiyo toliyo seedi kala gooyey
Ana aan ku saaqidey inaan sawdka garansiiyo
Ee dani u seeteysey bay dabo saqleeyeeneLaxawsiga haddaan silig ku jirin sadaha uu waaley
Yamyamaw silaadii ogtaan silic maryaadeene
Sareertey habeen nool ninkii qabay su’aashaaye
Iyadaba sidaa looma dayin sacab warkeediiye
Cumar tuu sareeyaha ka dhigey dibu suldaareeye
Waatuu surwaalkii ka furay sulubkii gaabnaaye
Isagiyo sufuurkuu wataa waa u siman yiine
Inta hebelba hebel saranyee dhiriq ku saydhaayo
Iyana waa su’aal idin hortaal sidaa ka yeeshaaneSanduluu ku keenaa kuwuu soohdimaa dhigaye
Dhallinyaro silsiladaysan buu simay xuduudaaye
Iyagoo safradi waa shidee sabarka liicaaya
Oo wada sirsirqa ah bay koraan
Ana salabka wiil raafku yimi uma saliidayne
Soodh aan la rabey baa cuskaday saaruqdii XamareInta hebelba hebel saranyee dhiriq ku saydhaayo
Iyana waa su’aal idin hortaal sidaa ka yeeshaaneGumuciyo colaadaha sanqadhay samada qiiqaabtay
Cadawgaa saraayaha lalaban saaran guutada’e
Waxa sadhada loo beerayaad sahashanaysaane
Sabayn mayso doonidu haddaan laysa sugahayneSurinkaad ka meertaba migiya soobir baa wadhane
Waana dhagax sintiisii ka baxay seefka kayga aheHaddaan saac kale u bixin qorshaha sudhato doonayso
Wax ka saydhimaayaan shacbigan saaran daawaayeNin siyaasad liitaaba waa suu ahaan jiraye
Anaa mariyey soofaha magliga rag igu saafeene
Kuwaan saamahawridey ayaa qoorta lay sudhaye
Segeg bay ku le’daan colkii Saylac furan laaye
Ragii qodaxda ila siibilaa haadka lagu soorye
Hadba waxaan saliilyoonayaa seedahaw mudaneInta hebelba hebel saranyee dhiriq ku saydhaayo
Iyana waa su’aal idin hortaal sidaa ka yeeshaaneLix gu baan safeeriyo fadhiyey sool anoo rabaye
Lix gu baan kusii soco ku jirey oo kasoo soco’e
Subulaha galbeed iyo naqbaan Sibidhley taagnaaye
Dhagax dheertan taakada jirtiyo Sawba waan gabayeNinka socodka taariikhda raba inuu suldaareeyo
Sacab timole weeyaan inuu suurto geliyaaye
Saxna maaha dirir baaney rabin wadarta Soomaale
Waxa maqan waxay …………………………
Sirta furaha jeeroo la helo waxay saluugeyso
Xaajadu ka sino weyn nimaa derejo siisaane
Hadba qolo golaha laga simaa maaha samirsiise
Xalku ina Sanweynow ma’aha geedo saro waabeAna Cawil samaan kagama helin madax salaaxiiye
Ninka sawdhaxeenii doraad saaxirkow kiciyey
Shalaytana sakuudkiyo kudsiga sawdka gacal miistey
Salaad iyo …… golii sarena soo gaadhey
Ee seedhaftii soo dhignaa taniyo Siilaanyo
Sidi-daari weeyaan ninkaad sahashanaysaane
Soli mayso maantana haddaad wax u sarbeebtaane
Sakatiga ku jira buu rabaa inaad ka saartaane
Hadduu hebel maqaar saara iyo sadaqad doonaayo
Salxaanniyo xagaba Xaaji Kore salabi waa buuxeInta hebelba hebel saranyee dhiriq ku saydhaayo
Iyana waa su’aal idin hortaal sidaa ka yeeshaane
Sooryada badhkeed waa cuwaaf laysku sabayaaye
Sargefyada xajiimaysan iyo soleyga qaamaysan
Waxay samofal ugu sheegayaan siinta godobeysan
Geedsaar ku maran bay rabaan inay samaystaane
Waana sababihii aawadood Saaxil loo gabayeMeeshiyo Suweys ways hayaa siligu Boobaw-we
Cirka qabarsanaacigu dushuu kaa sawirayaayeInta hebelba hebel saranyee dhiriq ku saydhaayo
Iyana waa su’aal idin hortaal sidaa ka yeeshaaneDabarsame Hadraawi ………………………
Gobonimo haddaan loo serdamin saani lagu waaye
Sakal bay dhex taalaa xornimo suridh cidhiidhyoone
Soodh baa balaysima dhegtaan sawdku gelihayne
Sanca waxa imaamkii qaribey soobirkuu dhacaye
Waatii salaad lagu kalahay sebenkii Suudaane
Kuma seexan Fayruuq ragbaa seeska guu qodiye
Keenada kuwuu sudhay ayaa sababay shaahiiye
Isagiyo safaadkiisiibay sun u walaaqeene
Ifka kii ku saabudey wuxuu saadsaduu helaye
Muu mahadin saadaad kolkuu bixiyey Siinaaye
Samuutena wuxuu eersadaa saadaniistaha’eSirmoqabe ka sheekee ninkii boqonta seeraaye
Inaga saqiir gawracyadu waa sidoo kale’e
Safxadaa haddaad kala furtaan bogoga sooyaalka
Sadarada ku yaal waa tibaax sabarka taymooneInta hebelba hebel saranyee dhiriq ku saydhaayo
Iyana waa su’aal idin hortaal sidaa ka yeeshaaneAfartaas sedkii Aadan Shiikh, sahaydii Koosaar dheh
Waa iga salaan Awrayaal aan ku soo simaye
Intaan suursanaabaa inaan seexday lay filaye
Cirka dhiillo saareenku waa sahansahaygiiye
Goortaan sarkaadhiyey waataa seleshey fiintiiye
Afarkale waxaan uga socdaa wayga saxanqaadeSaxariirka keligey ma qabo simey dadweynaaye
Surbo-caadka bari Aadanaw Bogaxna saameeye
Soomaali oo idil ma jiro samo nin sheegtaaye
Laf siniinsan oo dab gelin siinka laga waaye
Sohdii Caynabood looma shubo Saatir Cumaraw-weIntaan sabada Beled-weyne taal seray ka baadhaayo
Inuu saawir yahay waan hubaa warranka Sooyaale
Haddii seerahaygii la galay waa ku soo simaye
Kolkii aan siqsiqi waayey baa keeno lay sudhaye
Sacu dibiga Quulow kolkaan seexday buu dhalayeWax dhan buu sabciinkii ahaa saac-dhegooluuye
Iminkana siraad laguma helo saanjad roodhiya’e
Sed kaleeto daayoo ma jiro shicibku saabuune
Qashin saydh ayaan ahay u wadhan sayladaa Yurube
Xaajaduna wax soo saarka dhacay bay ka socotaaye
Adhigii sawaaqiga ahaa saadir geli waaye
………………………………..Sogsogleydii Boorama cuntadu waa ku suququule
Garaw sixinleh waayadan martida laguma sooreyne
Salaadaw la waa canbuuliyo moofo suugalehe
Sonkortii la miisaami jirey suubiskii malehe
Laasqoray suniyo saaran-diin saafan lays daaye
Barnidii sareeyaha baddiyo soogan baa xidhayeQarafkii iyo sigaarkii ayey sixirkii laaleene
Haddaan lagula saayirin qaxwaha toban ma siiyaane
Saddexdii dhardhaar buu ka degey dherigii saarnaaye
Indhaweyd sabiil lalama gelin meel sariibada’e
Eyguna siniintii ka waa suuqii hiliblaaye
Bisadaha sidaasaa ka dhaba saqaya kaymaayeCashuuraha siddeed dhaafay waa saaca waayaaye
Bangiyada dulsaarkii kolkuu saqafka soo taabtay
Sarif eega kuma keensadaan saalax-waatuhuye
Kolkii jeegi socon waayey bay god u samaysteene
……………..
………….
………….
……………..
……………….Haddii samada roob lagu og yahay waa la sugi laaye
Sibiq baa cariga looga baxay Cumar Salaadaw-we
Raggii calanka seeskaw ahaa seetaduu jaraye
Kolkii saan la daba jiiday buu soocankii baxaye
Suweyd iyo waxay daadsan yiin taniyo Sayloone
Qaarbaa saqaafii ku galay Soofiyeetiga’e
Wax Sawaaxil lagu sheegayaa ………
Madi Calan sablaaliyo ……samo ma sheegtaane
Sunuudey u rogayeen lawaa beri sabeenaaye
Baadroolkii Sucuudiga sidii dhagaxa loo saarey
Dadku sooryo uma raadsadaan Xaaji sida maale
Faraar meel ku suggan buu ku yaal sula dadkiisiiye
Intaan sabada Beled-weyne taal seley ka baadhaayo
Inuu saawir yahay waan hubaa warranka Sooyaale
Haddii seerahaygii la galay waa ku soo simaye
Kolkii aan siqsiqi waayey baa keeno lay sudhaye
Sacu dibiga Quulow kolkaan seexday buu dhalayeSannadkii xumaadaba ragbaa sahayda naanayse
Ragga siinka bawdada marsaday way silsilanyiine
Kolkii dunidu siliqroortey buu suuley dhaqankiiye
Ninba suu u noolaan lahaa suufi falawgeede
Sinadiyo dhaciyo beentu waa saaca waayaha’eJahli lagu saliday baa shacbigan saaray heeryada’e
Kolkii taashka loo sudhay ayuu simay dadweynaaye
Sagaaluu bes weeyaan kolkaan yeeke soconayne
Jajab baa …………. Lagu salaamaaye
Cilmigaan tacsiyad siinayaa Muuse Saxaraw-we
Nin safaarad eebahay ka galay sanamka meeraaya
Oo sujuuda lagu gawracaa samanka waw kow-we
Kefedaa caqligu saaran yahay abid ma soormaane
Saddexdiiba waakan isku furay Sulubow xeerkiiye
Isagayska saamaxay sharcigan suuxdimaa qaba’eSuufbaa degtana lagu guray, dhegaha Suudow’e
Suugaanta waxa loo bahdiley boogta yey sarine
Sogogi amxaarkaw yaqaan soobo oo kale’e
Ganacsiga siloonkii ragbuu saaray heeryada’e
Daraan subax kalihin baa durtaba seertey gudihiiye
Ina Qoor hadduu salaqsan jirey wuu siyaadsadaye
Cosda baa la yidhi weydinkaa suxulo gaabtiiyeMa saloogna Sooyaal waxay siibayaan muruqe
Salkii xeedhadoo muuqda bay suunka sii furiye
Sodogii waraaqduu u direy Moorgan socodsiiye
Siidaamiyo aboowuu ku furay suuqyadii Herere
Sabadaw nimaad tahay u dhimo waa sahnuuniyade
Sirtaa laga ilaashaa qofkii sawd waqooyi lehe
Xilka qaranka loo sido ayaa laga sifeeyaaye
Iska daa sareedada dadkay ula sinaadaane
Xitaa Siinga-siinguhu intuu helo ma siiyaaneFaraar meel ku suggan buu ku yaal sula dadkeediiye
Intaan sabada Beled-weyne taal seley ka baadhaayo
Inuu saawir yahay waan hubaa warranka Sooyaale
Haddii seerahaygii la galay waa ku soo simaye
Kolkii aan siqsiqi waayey baa keeno lay sudhaye
Sacu dibiga Quulow kolkaan seexday buu dhalaye
Salka xaajadaan laga unkunin malaha saanqaade
Mar horaa salaankii u jabay maxay Saleebaane
Danbaa tidhi sacii faalsa nacay keli saloognow-we
Maantana sabaalaha rag wado soorey baan idhiye
Ninkii dawladii sahal qabaw iima seemanide
Saanbuusihii laga adimey waa sidaad tahaye
…………………………………………….
Sarar iyo malaa Awdal wey kugu samaayeene
Dhidar selel ku kacayow hortaa jireba siigeeyeAfartaas sedkii Aadan Shiikh, sahaydii Koosaar dheh
Waa iga salaan Awrayaal aan ku soo simaye
Intaan suursanaabaa inaan seexday lay filaye
Cirka dhiillo saareenku waa sahansahaygiiye
Goortaan sarkaadhiyey waataa seleshey fiintiiye
Afarkale waxaan uga socdaa wayga saxanqaadeSaddex labo ka goo labo u gee saxar ma doorshaane
Tobaniyo sideediyo sagaal, iyo saa’idkeenaa
Safti geliya labadiisa dhinac hay saluulixine
Sunto weyn …………….gaalka saynta lehe
Halkan bay susumayaan daraad sudhato moodaaye
Waxba yaan rag ii kala sarifin sawrac waaxida’e
Shaadhka kii sitaba waysku jaad libiq ku seegtuuye
Sodon baan tirsanayaa intuu sahanku laalnaaye
Weli saancadkii igama tegin aan sagootiyaye
Magligii Salaax lagu dilaa qoorta ii sudhane
Lixdankii sidii ii ekeyd layma solonsiine
Gabadhii sintiin aan ka furay saaxirkiyo tuuga
Dumaasheeda waw wada sinayn aniyo Suulcayne
Hadduu seed dhanaan igu og yahay kama sinaysteene
Iminkaan sedkiisii hirdiyey sahashigeediiye
Quluublaha sudh mooyee maxaa hadhay ma suurayne
Inaan sidig tegaa layga dhigey socodkii dheeraaye
Geediga rag baa ii sakhiray soomal haadka ahe
Kolkii suulka lay godey baan dhigey sulaaxiiye
Niyad sami waagaa jirtaan wax iska saaraayeNin sahweyey ku noqo baa u furan labo sujuudoode
Iminkaan qabiil soomayaa sulo haboonaaye
Dibaa siigadii looga tumay soodhadh baalidayeDadka qaar saleeluu la yahay sawdka baxayaaye
Salka waxa cadaawaha ku riday sooma waabtaha’e
Shaxshaxaw dagaalada socdaa waa sed aan qabo’e
Sanqadhuu ku nool yahay shacbigan saaran daawuhuye
Kuwa nacabku salabaynayaa sahayda guulaaye
Sakaraadka waw ba’an kurbada lagaga siibaaye
Xabsiyada subucdiyo warkaa loo sed tiriyaaye
Qacda soordhu aabaha goblamay waa u samirsiise
Shihiidkaa kolkaan sido ayaan qabriga ugu siraadaayeKu darsoo intaan sigey intaan talada saameelay
Waxba badan intaan sugey intaan seegay oo badane
Sacna raaf danbuu igu hayaa saacna waa weliye
Hayeeshee Siciidaw ishaan saaka ku arkaayo
Ma sahlana amuuruu haddaan saafey boorada’e
Maantana sidii waagiibay leexo sidataaye
Sirta waxay ku haysaa markale siiqyo foorara’e
Sibqataye ninkii dhaamiyow kaama saamixine
Ninkii xadhig surmeeyow waxa socota taariikhe
Wax-wax baan safaad gelin haddii lays xiniin saro’e
Sidaha xuubka caarada wakaa aayihii sudhane
Sodonkiinan bay tahay inaad suubbisaan talo’e
Saqaf baa tihiin Kaahinow seefku dhiig yahaye
Sahan yahow maqnaa reerihii weydin sugayaane
Ninna sawd ma yeesheen haddaan saynta loo gurine
Salka geed ka hurayaa tihiin saaq ka guud baxaye
Hayin aynu wada saaranahay baad hor socotaane
Suraddiisa idinkaa u xidhan saab hadduu jaba’e
Surmo-seegtadaydii horiyo sododa aan eeday
Laga yimi sitaarooyinkiyo saymahaan galaye
Maantaba safradi waa jirtaan yaan sibiibixan