Hayaan
Hayaanku ma meel fog baa
Hillaacu ma beegso baa
Habeenkii socod miyaa
Hadhkii ma ha seexan baa
Waqtigu ma haloosi baa
Ninkii hakadaa boqoolka
Habaaska miyuu dhaxlaa?
Quruumaha hore u guuray
Barwaaqada haybsanaaya
Intaad hiigsan layd gadaasha
Hareerta ka raac miyaa?
Hadduu maalku kaa harraado
Harooyinka gee miyaa?
Hurdada ku dan seeg miyaa?
Adduunyadu waa hadhkaas
Hirba hir buu daba socdaaye
Hankaaga fogee miyaa?
Hawshaada ku toos miyaa?
"Hubsiino halbaa la siistaa"
Halkii daran baahidaada
Hantida u qorshee miyaa?
Dantaadu ma haybi baa
Aqoontuna hodon miyaa
Iftiin iyo hibo ku ladhan ooIndhoolaha haga miyaa?
Waxaa cirka lagu hujuumay
Waxsaa dhulka lagu hubsaday
Waxaa badahaa hugmaaya
Bidhaansha guntooda hoose
Waxaa uumiyaha hanuunshay
WAxaa cudurkii halgaaday
Waxaa jahligii haleelay
Waxaa gaajadii hirdiyey
Horseed cilmiyeed miyaa?Dadkaa heegada is geeyey
Dadkaa haqab-beelka gaadhay
Hub-qaad haga dayo miyaa?
Ninkaa buurta roobku helay
Gunteeda ka heesayow
Figteedaa nolol habboon